Saturday, September 22nd, 2018
.

Dhagayso: dowlada somaliya oo haayad heshiis $300 million ah la saxiixatay+ fah faahin

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID ayaa maalmaha soo socda  lagu wadaa in ay kala saxeexdaan  heshiis ku kacaya $300 oo milyan oo doolar.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha   Jamaal Maxamed Xasan oo xalay kasoo qeyb galay kulan Xukuumadda RW Xasan Cali Kheyre ay kusoo bandhigeysay waxyaabahii u qabsoomay ayaa ka warbixiyay heshiiskii mashaariicda dowladda Qatar lala saxiixday iyo sida loo maareyn doono.

Waxuu Wasiirka heshiiskaas ku kacayay $300 milyan uu ku sheegay in uu ahaa midkii ugu badnaa oo dowladda Soomaaliya ay dalka gudahiisa ku saxiixdo tan iyo burburkii.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in maalmaha soo socda Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda USA Aid ay kala saxiixan doonaan heshiis fulin mashaariic ah oo ku kacaya lacag dhan $300 oo milyan.

“Maalmahan soo socda waxaan saxiixi doonnaa mid (mashaariccda Qatar) taa ka badan haddii Alle idmo oo lacag ka badan 300 oo milyan ayaan la saxiixan doonnaa hay’adda US Aid  ee dalka Mareykanka. Sadexdaas boqol oo milyan iyadana waa tii ugu horreysay oo muddo sodon sano ka badan wadanka gudahiisa lagu saxiixo, taas oo nasiineysa awoodda in aan mashaariicda anaga go’aan ka gaarno sida loo fulinayo iyo meesha ay ka fulayaan” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Ugu dambeyntii, Wasiirku waxa uu xusay in dhammaan mashaariicda dalka soo gaara ay ka fuli doonaan dhammaan dalka heer federaal, heer gobol illaa heer tuulo dalka oo dhan

HALKAN RIIX OO DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA

.    

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

Qadar oo Shaacisay In Soomalia Ka Taageero Doonto Hiigsiga 2040-ka.

September 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowladda Soomaliya ay ka taageereyso hiisgiga sanada 2040-ka. Dowlada ...

Maqaal: Maxaad Kala Socotaa Xaalada Xabsiga Ciqaabta Ee Godey?

September 21, 2018
Magaalada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle waxaa kuyaala xabsi wayn oo Dhibaato qarsoon ay wali kajirto. Jeelka ku caan ...

Dad Ku Halaagsamay Doon Tanzania Ku Degtay.

September 21, 2018
Ugu yaraan 44 qof ayaa qarraqmay kadib markii doon ay kula degtay harada Lake Victoria ee dalka Tanzania ...

DAAWO: Madaxwayne Mustafe Cagjar”Madaxwaynihii hore lama jirdilin lamana jirdili doono”+Xornimo ayaan diyaar u nahay…

September 21, 2018
Madaxwayne ku xigeenka Dowlada deegaanka Somali State ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin jirdil loo gaystay isla markaasn ...

XOG CUSUB: ma runbaa in uu geeriyooday madaxweynahii hore ee degaanka somalida cabdi ilay

September 11, 2018
Tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegaya in madaxweynahii hore  ee deganka somalida uu geeriyooday ahaa waxay ...

Deg deg: CMC oo la sheegay in xaalad adag uu ku suganyahay iyo hooyadii iyo xaaskiisii oo ka dayriyay+daawo

September 10, 2018
https://youtu.be/7sNKoxajyk4

Madaxwaynaha Somali State oo oo kulan la qaatay culimada Deegaanka+Maxay kawada hadleen…?

September 10, 2018
Madaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Maxamud Cumar Cagjar ayaa wuxuu kulan la qaatay Culimada deegaanka Somali State isagoo ...

Illaa 7 ruux oo ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ee xarunta degmada Hodan

September 10, 2018
Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka barqadii lagu qaaday xarunta degmada Hodan ...

Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Hodan

September 10, 2018
faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ...

Qarax xooggan oo goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho

September 10, 2018
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay magaalada oo dhan Wararka  ayaa ...