Saturday, November 17th, 2018
.

XOG CULUS: Engineer yiriisoow oo soo bandhigay qorshe cajiib ah oo uu muqdisho ka damacsan yahay

Published on January 31, 2018 by   ·   No Comments

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan  mr.(Eng. Yarisow), ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xog-hayaha gobolka ayaa kulan la qaatay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell.  halkaas ooy ka wada hadleen wada-shaqeynta iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adda iyo maamulka gobolka sidii loo xoojin lahaa.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa boggaadiyey maamulka cusub ee gobalka anaaadir, isagoona uga mahadceliyey maamulkii hore in si nabad ah oo dimoqoraadi ah ay xilka u wareejiyeen, tani oo cadeynaysa in dadka Soomaaliyeed u bislaadeen adkeynta dawladnimada. Mr Riddell ayaa balan-qaaday inuu sii xoojin doono taageerada uu bangigu siiyo maamulka gobolka Benaadir si loo hirgeliyo adeeg bulsho oo dhameystiran.

“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhismaha hay’adaha dawladda hoose ee Xamar. Bangiga Adduunku wuxuu mashaariic ka fulin doonaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ugu horeyso Muqdisho, si ay dadku u helaan adeegyada bulsho ee ay u baahan yihiin, waxana ka wada shaqeynaynaa kobcinta ilaha dhaqaale, federaaleynta, yareynta saboolnimada iyo in la xaqiijiyo mashaariicdu iney gaareen meelihii loo qorsheeyey”. Ayuu yiri Madaxa Bangiga Adduunka oo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ay maamulka kala shaqeeyaan bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar iyo isku filnaasho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulkiisu ay ka go’an tahay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, iyadoo wax walba lagu bixin doono nidaam cad oo la isla wada ogol-yahay, si meesha looga saaro wax walba oo keeni kara musuq-maasuq iyo in hantida ummadda ay ku dhacdo gacmo kale.

“Maamulka gobolka Benaadir, waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee meesha ka baxay. Shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho waxaan ka filaynaa inay bixiyaan canshuuraha, anagana wax muuqda ugu qabano canshuurta ay bixiyaan, tani oo qeyb ka ah qorshaheena isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Bangiga adduunka, isla markaana waxa uu ku boorriyey in la dar-dar geliyo adkaynta xiriirkaasi wada shaqayneed ee ka dhexeeya, si loo gaaro yoolka la higsanaayo ee ah Soomaaliya horumarsan oo isku filan

 

 

.    

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

DEG DEG: CIA da Maraykanka oo sheegtay in Salmaan uu amray dilka Khashogi…

November 17, 2018
CIA da dalka Maraykanka ayaa waxay soo gaba gabeeyeen baadhitaankii la xidhiidhay dilka Wariye Jamal Khashogi oo baryahan ...

DAAWO VIDEO:DEG DEG Dowlada Sucuudiga oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Ragii Diley Jamal Khashogi

November 17, 2018
Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in ...

DAAWO: Musharixii ugu saamaynta badnaa Puntland oo Garowe ka dagay

November 17, 2018
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cali xaaji Warsame oo ka Mid Ah Musharaxinta Ugu samaynta Badan Doorashada Puntland Ayaa Gaadhey ...

DHAGAYSO: Kaalinta ay dowlada Federalka Somalia ku leedahay isbadalka geeska Africa…

November 17, 2018
Isbadalka xowliga dheereeya ku socda iyo Heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Dalalka Somalia, Ethopia iyo Eritrea ayaa ...

Gabre oo xabsiga loo taxaabay iyo jawi cusub ee geeska Africa ka bilowday…

November 17, 2018
Dowlada Ethiopia ayaa xabsiga u taxaabtay Gabre dhiile oo dhibaatooyin laxaad leh oo dhanka bani aadanimada ah ka ...

XOG: Maxaa kajira in madax sare oo katirsanaan jiray xukuumadii dhacday ee cabdi ilay wadanka ka carareen?..

November 11, 2018
Warar kala duwan oo aan ka helayno caasimada Degaanka somalida ee jigjiga ayaa sheegaya in ay halkaas ka ...

Qalalaasaha ka dhalan kara kulankii 3 geesoodka ee Ethiopia, Somalia & Eritrea

November 11, 2018
Madaxda Dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa markaan yeeshay xiriir wanaagsan, waxii ka dambeeyay isbadalkii ka dhashay geeska ...

DHAGEYSO: Walaac laga qabo qorshaha Itoobiya ay ku dhisaneyso Ciidamo Bad

November 11, 2018
Iyadoo dowladda Itoobiya ay shaacisay in ay dhisanayso Ciidamo Bad ayaa waxaa soo baxaayo walaac wadamada badaha leh ...

DEG_DEG: Ethiopia oo xabsiga u taxaabtay 40 General oo laamaha amniga ah + kala shaki baahsan oo jira

November 10, 2018
Wararka aan ka helayno  Caasimada  dalka Itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya in Booliiska Itoobiya xabsiga utaxaabay in ...

Kulamada Farmaajo, Abiy Iyo Afawerki Oo Meesha Ka Saaray Doorkii Madaxweyne Geelaha Jabuuti Ee Gobalka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland

November 10, 2018
Waa shirkii labaad ee saddex bilood gudahood dhex mara Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ereteriya Issias Afawerki iyo Raysalwasaaraha ...