Monday, February 19th, 2018
.

WARAR DHEERAAD AH: Dagaal culus oo boosaaso ruxay xalay ayaa waxaa ka soo bxaya faah faahin dheeri ah

Published on February 2, 2018 by   ·   No Comments

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay fiidkii Ciidamada Puntland iyo Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso.

Dadka degaanku waxay  sheegeen  in ay arkeen meydadka dhowr qof oo yaalla goobta lagu dagaalamay, inkastoo ay sheegeen in aysan garaneyn halka ay ka kala tirsan yihiin dadkas maydka ahi.

Saraagaal u hadlay  Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, waxa uuna  tilmaamay khasaaraha soo gaadhay inuu yahay mid kooban.

ururka Shabaab ayaa  dhankiisa sheegay weerarkan in ay geysteen dagaalyahano iyaga ka tirsan oo gudaha u galay degaankas, sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in ay Madaafiic ku garaaceen fariisin Ciidanka Puntland ay leeyihiin laakin wax khasaare ah mayna sheegin.

markii saaka waagu baryay waxaa hawlga bilaabay Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland  wxayna baadhitano kawadaan  degaankii uu xalay dagaalka ka dhacay, waxayna ku daba jiraan raggii weerarka soo qaaday.

 

.

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

DEG DEG: Dowlada masar oo aqbashay codsigii dowlada ethiopia ee ahaa in dib loogu dhigo wada xaajoodka biya xidheenka abaay

February 19, 2018
wasiirka arimaha dibada dowlada masar  ayaa sheegay in dowlada masar aqbashay codsigi dowlada ethiopia ee ahaa in dib ...

RW kuxigeenka turkiga oo booqanaya dalka somaliya+ sababta booqashadiisa

February 19, 2018
Hakan Jaush Ogolo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu sameyo  laba booqasho oo ...

Golaha wasiirada ayaa go,aan ka gaadhay murankii ganacsatada iyo wasaarada maaliyada

February 19, 2018
Golaha Wasiirada  xukuumada federalka somaliya  ayaa  kulan aan caadi ahayn maanta ku yeeshay Magaalada  Muqdisho  ee caasimada somaliya. kulankan ...

WAR DEG DEG AH: Qaabkee ayay doorashada RW ethiopia u dhacaysaa+ goormaa la fili inay dhacdo?????

February 18, 2018
Doorashada raysal-wasaaraha cusub ee dalka itoobiya  waxaa ka hadhay maalmo maadaama oo aysan wali dhamaanin qiimayntii usocotay ururada  ANDM ...

WAR CUSUB: Ganacsatada oo qaatay Go’aan sii cakiran kara khilaafka kala dhaxeeya DF & xirnaashaha Suuqa Bakaaraha

February 18, 2018
Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ku adkeysanaya iney xidhnaandoonaan xarumahooda ganacsiga, tan iyo inta wasaaradda maaliyadda wax ...

XOG; Maxaa sababay Khilaafka ka jira Itoobiya,iscasilaada Mr. Desalegn,Yaase bedelaya?

February 18, 2018
Dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu danbeeyey  dalka Itoobiya marka laga hadlayo, Raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxaa uu si rasmi ah ...

XOG CULUS: Jawaari iyo cabdi xaashii awoodaha isku haysta iyo madaxda dowlada oo ku dhaxwareeray

February 18, 2018
Sida laga soo xigtay Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ayaa sheegaya in weli uu taagan yahay is fahan ...

Siyaasiyiinta beesha habar-gidir oo xalay muqdisho kulan kuyeeshay+ c/raxmaan cabdishakuur oo walaac dil muujiyay kuna eedeeyay dowlada in………

February 18, 2018
Warar hoose oo ay heshay  shabakada wararka ee jigjiga.net   ayaa sheegaya in Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Labada ...

Suuqa bakaaraha ee muqdisho oo maanta laga kala cararay & shaqa joojin lagu dhawaaqay

February 18, 2018
Guud ahaan waxaa  maanta  xidhnaa  Ganacsigii Suuqa ugu weyn  magaalada muqdisho ee caasimada  Soomaaliya ee Bakaaro, kaddib markii ...

WAR DEG DEG AH: Daawo somaliland iyo igad oo ka wada hadlay dagaalka tukaraq & wada hadalka maamulka somaliland iyo somaliya

February 17, 2018
Madaxweynaha Maamulka somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Xoghaya Guud ee Urur Goboleedka IGAD ...