Tuesday, August 21st, 2018
.

Dagaalkii tukaraq oo gaadhay heerkii ugu cuslaa iyo deegaano horleh oo lakala qabsaday

Published on February 4, 2018 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa kusoo waramaya  inuu xoogeystay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay maamulada Somaliland iyo Puntland.
Xiisada oo xoogeeda ka taagneyd deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa, ayaa iminka gaartay deegaano hor leh oo ay kala gaaren ciidamada labada maamul.
Maamulka Somaliland ayaa ciidamo dheerad ah geeyay deegaano ku dhow Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ay sheegeen in deegaankaasi laga difaacayo ka sameysteen duleedka Tukaraq, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.
Sidoo kale, Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa iyaguna gaaray deegaano ka tirsan Sool, gaar ahaan deegaanka Holhol.
Ciidamada maamulkan ayaa halkaa ka sameystay dhufeysyo waxaana lasoo sheegayaa inay duulaan ku yihiin ciidamada kale ee taabacsan Somaliland.
Dadka deegaanka ayaa ka cabsanaaya in mar kale dagaalo ay ka dhacaan gobolkaasi, iyadoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah.
Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha deegaanka Tukaraq.
Geesta kale, Puntland iyo Somaliland ayaa wali ku hanjabaya xaalad dagaal taasoo qalqal galisay dadka Shacabka

xaalka deegaanka tukaraq ayaa imika waxa uu yahay gob dagaal oo lays hor fadhiyo wakhti kastana la filan karo dagaalo khaasre sababa

.    

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

DEG_DEG DAAWO: Cabdi Maxamud Cumar iyo Cabdirahman laba go’le oo Cadaalada wajahaya

August 20, 2018
DEG_DEG DAAWO: Maxaa Kajira abdi Ilay iyo Cabdirahman laba go’le in maxkamad la saarayo ? HALKAN RIIX OO DAAWO

DAAWO: Taliye Caare oo Qardho Shir Jaraa’id Ku Qabtay, Ciidamadiisa oo uu Soo Bandhigay iyo Aasaaska Jabhaddiisa oo uu Ka Hadlay, & S/Land oo walaac ka……..

August 20, 2018
Taliye Caare oo dhawaan ka goostay maamulka somaliland ayaa Qardho Shir Jaraa’id Ku Qabtay, waxa uuna soo bandhigay ...

DEG_DEG: HRW oo ku tala bixisay in maxkamad lakeeno cabdi maxamud cumar iyo saraakiil sar sare oo kale

August 20, 2018
Haayada xuquuqda aadamaha u dooda ee Human right watch ayaa warbixin dheer oo ay soo saartay ku dalabtay ...

DAAWO: Sarkaal sare oo katirsan jabhada ONLF oo ka hadlay xaalada Guud ee DDS

August 20, 2018
Sargaal sare oo katirsan jabhada onlf ayaa waxa uu ka hadlay xaalada  Guud ee Degaanka somalida Itoobiya iyo ...

Xiisad Dagaal Oo Saaka Ka Taagan Deegaanka Tuka-raq Iyo Somaliland Oo aan………

August 20, 2018
Agust 20-2018 ( jigjiga.net- tuka-raq ):- Xiisad colaaddeed ayaa saaka lagu soo warramayaan in ay ka taagan tahay ...

Xog: Ciidamo ka tirsan DDS oo la goosan lahaa Hub & Gaadiid dagaal oo xabsi la dhigay

August 20, 2018
Agust 20-2018 ( jigjiga.net- jigjiga ):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee  Caasimada Degaanka  Soomaalida ayaa sheegaya ...

Waxbadan ka ogaaw sababta ka danbeysay in xubno muhiima laga saaro xisbiga ka arrimiya DDSI

August 20, 2018
Agust 20-2018 ( jigjiga.net ):- Kulan tan iyo 8dii Agoosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimoqaraadiga ...

Akhriso: Shan waxyaabood oo laga rabo Fahad Yaasiin in uu ka beddelo NISA.

August 20, 2018
Agust 20-2018 ( jigjiga.net- Muqdisho ):- Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa dhawaan loo magacaabay agaasime ku xigeenka Hay’adda ...

AKHRI: KENYA oo ugu danbeyntii shaacisay xiliga rasmiga ah oo ciidamadeeda ay kala baxeyso Somalia

August 20, 2018
Agust 20-2018 ( jigjiga-Nairobi ):- Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay ciidamadeeda ...

Muxuu Caanood ka yiri wararka sheegaya in DFS uu kala goostay afartameeyo gaadiid dagaal?

August 19, 2018
August 19-2018 ( jigjiga.net- Muqdisho ):- Iyadoo inta badan warbaahinta dalka ay hadal hayan warar sheegaya in Abaanduulihii ...