Monday, February 19th, 2018
.

SIR CULUS: Kooxda damujadiid ee xassan sheekh maxamuud oo tanzania kulan shaki beeray ku galay

Published on February 4, 2018 by   ·   No Comments

Sida ay kusoo waramayaan illo ku dhow dhow Koox Siyaasadeedka DamulJadiid ee xassan sheekh maxamud katirsan yahay ,  ayaa  shir Khaasa  isugu yimid.

shirkan ooy isugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan DamulJadiid ayaa kusoo xirmay magaalada Dares­Salaam ee dalka Tanzania.

Shirkan oo ay ka qeybqaaten Xildhibaano dhan ilaa Toban ayaa waxaa hogaaminaayay Madaxweynihii hore ee dowlada federalka Somalia  mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu saldhigtay dalka Tanzania.

Shirka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxa ay Xildhibaanada ku kala qaaten macluumaad ku saabsan halka ay iminka taagan tahay Siyaasada dalka  Somalia iyo kaalinta kaga aadan kasoo dhexmuuqashada Dowlada loogu wanqalay Nabad iyo Nolol.

Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa u badnaa kuwa baarlamaanka Somalia oo uu ka dhexmuuqday Xildhibaanka gacanta midig u ah Xasan Sheekh ee Faarax C/qaadir iyo xildhibaano kale oo dhowr ah.

Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa gabi ahaantooda xilal kasoo qabtay dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.

Mid kamid ah Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa inoo xaqiijiyay in is aragooda uu ahaa mid iyaga u gaar ah, isla markaana uusan shirkooda aheyn mid lid ku ah dowlada Somalia Somalia.

Xildhibaankan ayaa sheegay inay marti u ahaayen Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo carab dhabay inay kawada hadleen sida looga qeybqaadan lahaa keliya horumarinta Siyaasadooda Khaaska ah.

Qorshooyinka lagu dajiyey shirka aan lasii shaacin ayaa waxaakamid ahaa dib­u­soo nooleynta qorshooyinkooda Siyaasadeed,Kasbashada Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa Madaxabanaan iyo in xooga la saaro ku dhex milmida Xukuumada hadda jirta si looga dhexmuuqdo Siyaasada.

Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa lagu wadaa inay kamid noqdaan Wafdi uu Hogaaminaayo Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Swedan uga qeybgalaaya shirka Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo lagu casuumay garabka Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh iyo wafdi xildhibaano ah ayaa ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Sweden oo ay ku casuuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqaalaha Sweden.

Dhinaca kale, Xisbiga Damul­Jadiid oo saameyn ku dhexlahaa Siyaasada afartii sano ee tagtay ayaa iminka ololo ugu jira sida ay mar kale u hanan lahaayen dowlada la filaayo 2020 iyo wixii ka danbeeya.

 

.

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

DEG DEG: Dowlada masar oo aqbashay codsigii dowlada ethiopia ee ahaa in dib loogu dhigo wada xaajoodka biya xidheenka abaay

February 19, 2018
wasiirka arimaha dibada dowlada masar  ayaa sheegay in dowlada masar aqbashay codsigi dowlada ethiopia ee ahaa in dib ...

RW kuxigeenka turkiga oo booqanaya dalka somaliya+ sababta booqashadiisa

February 19, 2018
Hakan Jaush Ogolo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu sameyo  laba booqasho oo ...

Golaha wasiirada ayaa go,aan ka gaadhay murankii ganacsatada iyo wasaarada maaliyada

February 19, 2018
Golaha Wasiirada  xukuumada federalka somaliya  ayaa  kulan aan caadi ahayn maanta ku yeeshay Magaalada  Muqdisho  ee caasimada somaliya. kulankan ...

WAR DEG DEG AH: Qaabkee ayay doorashada RW ethiopia u dhacaysaa+ goormaa la fili inay dhacdo?????

February 18, 2018
Doorashada raysal-wasaaraha cusub ee dalka itoobiya  waxaa ka hadhay maalmo maadaama oo aysan wali dhamaanin qiimayntii usocotay ururada  ANDM ...

WAR CUSUB: Ganacsatada oo qaatay Go’aan sii cakiran kara khilaafka kala dhaxeeya DF & xirnaashaha Suuqa Bakaaraha

February 18, 2018
Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ku adkeysanaya iney xidhnaandoonaan xarumahooda ganacsiga, tan iyo inta wasaaradda maaliyadda wax ...

XOG; Maxaa sababay Khilaafka ka jira Itoobiya,iscasilaada Mr. Desalegn,Yaase bedelaya?

February 18, 2018
Dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu danbeeyey  dalka Itoobiya marka laga hadlayo, Raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxaa uu si rasmi ah ...

XOG CULUS: Jawaari iyo cabdi xaashii awoodaha isku haysta iyo madaxda dowlada oo ku dhaxwareeray

February 18, 2018
Sida laga soo xigtay Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ayaa sheegaya in weli uu taagan yahay is fahan ...

Siyaasiyiinta beesha habar-gidir oo xalay muqdisho kulan kuyeeshay+ c/raxmaan cabdishakuur oo walaac dil muujiyay kuna eedeeyay dowlada in………

February 18, 2018
Warar hoose oo ay heshay  shabakada wararka ee jigjiga.net   ayaa sheegaya in Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Labada ...

Suuqa bakaaraha ee muqdisho oo maanta laga kala cararay & shaqa joojin lagu dhawaaqay

February 18, 2018
Guud ahaan waxaa  maanta  xidhnaa  Ganacsigii Suuqa ugu weyn  magaalada muqdisho ee caasimada  Soomaaliya ee Bakaaro, kaddib markii ...

WAR DEG DEG AH: Daawo somaliland iyo igad oo ka wada hadlay dagaalka tukaraq & wada hadalka maamulka somaliland iyo somaliya

February 17, 2018
Madaxweynaha Maamulka somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Xoghaya Guud ee Urur Goboleedka IGAD ...