Thursday, May 24th, 2018
.

Gudoomiyahii hore ee gobalka banaadir mudane thabit oo dhowr xil kadiiday farmaajo iyo khayre

Published on February 10, 2018 by   ·   No Comments

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta qaarkeed  ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi uu diiday Dhowr wasaarad oo ay usoo bandhigeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Marka laga tago inay isku qabteen arimo siyaasadeed hadana Thaabit saaxiibo dhow ayuu la yahay Farmaajo iyo Kheyre, taas ayaana sabab u ah in dhowr jeer ay isku dayaan inay ku qanciyaan xilal ay usoo bandhigeen.

Thaabit ayaa doonaya inuu sameysto Xisbi uu isaga musharax u noqdo sanadka 2020 si uu ugu guuleysto Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu safaro kusoo kala bixin doono dalal dhowr ah si uu u kasbado Soomaalida Qurba joogta ah oo taageero culus ula garab istaagaan.

Thaabit oo hada ku sugan dalka Turkiga ayaa halkaas kula kulmaya Soomaali u badan arday waxaana la sheegay in qeyb ay ka tahay qorshahiisa uu ku doonayo in shacabka uu kusoo jiito.

Si kastaba ha ahaatee Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxyaabo badan qabtay intii uu ahaa Guddoomiyaha gobalka Banaadir, waxaana shacabka ay u arkaan shaqsi ku socdo wadadii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya

 

.

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

DEG DEG:Ethiopia oo iska fogaysay eedayntii eritrea+ wasaarada arimaha diba ethiopia oo hadashay

May 22, 2018
wasaarada arimaha dibada dalka ethiopia  ayaa ku tilmaantay eedayntii xukuumada eritera  ee ahayd in dalalka dariska ah taageero ...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqay Qiimaha sanadkan lagu tegayo Xajka & Heshiiska 5 Shirkadood

May 17, 2018
Xukuumadda federalka  Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qiimaha sanadkan lagu tegayo Xajka, kadib muran ka taagnaa adeegga xajka iyo ...

DHAGEYSO: Cabdiweli Gaas oo deg deg ugu laabtay Garoowe, kuna dhawaaqay Dagaal Cusub

May 17, 2018
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Garowe ...

War deg deg ah: Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdish

May 17, 2018
Waxaa goordhaw qarax nooca miinada dhulka lagu aaso  ah uu ka dhacay laamiga hor mara xerada 77  ee ...

DAAWO: faarax macalin oo ka hadlay safarkii uu muqdisho ku tagay+ mawqafkiisa maamul gobaleedka jubaland

May 9, 2018
Siyaasiga  mucaaradka ah Faarax Macalin  dawaare oo Wareysi siiyey Tv-ga RTN ee Magaalada Nairobi ayaa  ka  war  warbixiyey ...

XOG CULUS: Farmaajo iyo khayre oo ku hawlan sidii ay ethiopia uga dhaadhicin lahaayen in aan qalbidhagax lasoodayn

May 8, 2018
tan iyo inti ay soo baxeen kulankii axmed madoobe iyo  cabdikariin shekh muuse (qalbidhagax) oo ah sargaal  sare ...

khilaafkii maamul gobaleedyada iyo dowlada federalka oo soo cusboonaday

May 8, 2018
madaxweynaah maamulka jubaland mudane axmed mxamed islam ( axmed madoobe) ayaa si kulul u dhaliilat siyaasada dowlada federalka ...

XOG CULUS: Maxaa ka socda xarunta madaxtooyada somaliya ee villa somaliya+ kulan xaas xaasi ah oo u dhaxeeya………

April 4, 2018
April-04-2018 ( jigjiga.net-muqdisho) -Kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin ayaa hada ka socda Madaxtooyada Soomaaliya. kulankan oo ...

DEG-DEG: C/raxmaan cabdishakuur oo si la yaableh uga hadlay arinta ka taagan xarunta golaha shacabka sheegayna in……..

April 4, 2018
April-04-2018 ( jigjiga.net-muqdisho) - Siyaasiga  mucaaradka ah  mudane  C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa goordhow bartiisa Facebook kusoo qoray ...

WAR DEG DEG AH: Gudoomiye jawaari oo ku gacan saydhay codsi uga yimid madaxda qaranka sheegayna in isagu madax kayahay xarunta baarlamaanka+ amison oo la filyaayo in……..

April 4, 2018
April-04-2018 ( jigjiga.net-muqdisho) - Guddoomiyaha  golaha Baarlamaanka  fedaralka Soomaaliya  muadane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku gacan sedhay ...