Saturday, September 22nd, 2018
.

Abiy Ahmed oo Cabdi Iley u gudbiyey warqad go’aan xasaasi ah uu ku gaaray

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed uu wado qorsho lagu xiraayo Xabsiyada ku yaalla dhulka  Somaalida Itoobiya.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar  (Cabdi Iley)  u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xiro Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogaden”. Jeel Ogaden ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia iyo waliba shacab tiro badan.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka.

Madaxweynaha  DDSI  Cabdi  Maxamud cumar ( Iley )  ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaalo buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostii.

Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga uga gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia.

Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xiran ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah

.    

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

Qadar oo Shaacisay In Soomalia Ka Taageero Doonto Hiigsiga 2040-ka.

September 21, 2018
Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowladda Soomaliya ay ka taageereyso hiisgiga sanada 2040-ka. Dowlada ...

Maqaal: Maxaad Kala Socotaa Xaalada Xabsiga Ciqaabta Ee Godey?

September 21, 2018
Magaalada Goday ee xarunta Gobolka Shabeelle waxaa kuyaala xabsi wayn oo Dhibaato qarsoon ay wali kajirto. Jeelka ku caan ...

Dad Ku Halaagsamay Doon Tanzania Ku Degtay.

September 21, 2018
Ugu yaraan 44 qof ayaa qarraqmay kadib markii doon ay kula degtay harada Lake Victoria ee dalka Tanzania ...

DAAWO: Madaxwayne Mustafe Cagjar”Madaxwaynihii hore lama jirdilin lamana jirdili doono”+Xornimo ayaan diyaar u nahay…

September 21, 2018
Madaxwayne ku xigeenka Dowlada deegaanka Somali State ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin jirdil loo gaystay isla markaasn ...

XOG CUSUB: ma runbaa in uu geeriyooday madaxweynahii hore ee degaanka somalida cabdi ilay

September 11, 2018
Tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegaya in madaxweynahii hore  ee deganka somalida uu geeriyooday ahaa waxay ...

Deg deg: CMC oo la sheegay in xaalad adag uu ku suganyahay iyo hooyadii iyo xaaskiisii oo ka dayriyay+daawo

September 10, 2018
https://youtu.be/7sNKoxajyk4

Madaxwaynaha Somali State oo oo kulan la qaatay culimada Deegaanka+Maxay kawada hadleen…?

September 10, 2018
Madaxwaynaha Somali State Mudane Mustafe Maxamud Cumar Cagjar ayaa wuxuu kulan la qaatay Culimada deegaanka Somali State isagoo ...

Illaa 7 ruux oo ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ee xarunta degmada Hodan

September 10, 2018
Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka barqadii lagu qaaday xarunta degmada Hodan ...

Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Hodan

September 10, 2018
faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ...

Qarax xooggan oo goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho

September 10, 2018
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay magaalada oo dhan Wararka  ayaa ...