Wednesday, July 18th, 2018
.

Madaxweynaha DDSI: Madaxa sirdoonka ayaa na handaday naguna qasbay in aan dadkayaga layno ( cajiib )

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday.

“Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.

Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi uusan gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa.

“Faragelintiisuna waxay gaadhay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya.

 

Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq.

“Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in ninka la yirahdo Getachew Assefa uu ka dambeyo”.

Getachew Assefa oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, muddo badanna soo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya, waxaa xilka laga qaaday bishi hore waxaa lagu beddelay jeneraal Adem Mohammed oo ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Getachew Assefa kama uusan jawaabin eedeynta loo jeediyey.

Dalka Itoobiya waxaa ka socda isbaddel dhinacyo badan taabanaya oo ay siyaasadda iyo amnigu ka mid yihiin.

 

.    

Nagala Soo Xiriir

jigjiga0000@gmail.com

Readers Comments (0)






Wararka Maanta

National Intelligence and Security Agency (NISA)to purge employees with political affiliation

July 18, 2018
National Intelligence and Security Agency (NISA) new director, Adem Mohammed who used to be head of the Ethiopian ...

Hub la soogalinayay addis-ababa oo ciidamadu gacanta ku dhigeen & ujeedka iyo cida loo waday oon………..

July 18, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa  ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in hub si sharci ...

Ethiopia oo bilaabaysa isticmaalka dekada casab ee Dalka Eritrea iyo dayactir lagu bilaabay wadada…….

July 18, 2018
Afhayeenka Wasarada Arimaha Dibada  Dalka Itoobiya  Ato Malez Alem ayaa warbaahinta gudaha usheegay in wadooyinka isuku xidha Eritrea ...

Baarlamaanka dalka Masar oo ansixiyay xeerar cusub

July 18, 2018
Baarlamaanka dalka Masar ayaa ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ...

DEG_DEG: Duulimaadkii Ethiopia iyo Eritrea oo saaka bilowda & diyaarad siday rakaab gaadhaya 456 Itobiyaan ah oo saaka asmara u duulay

July 18, 2018
Wararka aan ka helayno caasimada dalka Itobiya ee addis-ababa ayaa sheegaya in saaka ay  diyaaraad Ethiopia airline bilowday ...

Madaxweynaha maamulka puntland oo ka hadlay markii ugu horaysay mudo koradhsi lagu tuhmayo…….

July 18, 2018
Madaxweynaha maamulka puntland mudane c.wali maxamed cali gaas ayaa wax uu markii ugu horaysay ka hadlay mudo koradhsi ...

DAAWO: Gaas oo sheegay meesha ay isla fahmi laa yahiin DFS iyo maamul gobaleedyadu_ video

July 18, 2018
Madaxweyna mamul gobaleedka puntland c/wali  maxamed cali gaas  ayaa khudbad xaasaasi ah oo uu ka jeediyay shirki brusels ...

XOG: Maxaa kajira in somaaliland laga xidhay xafiiskii uga furnaa magaalada addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya

July 18, 2018
Mudooyinkan danbe waxaa soo baxayay warar sheegaya in xafiiskii maamulka somaaliland uga furnaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis-ababa ...

DAAWO: Wasiirka arimaha dibada somaliland oo khaatumo ugu yeedhay urur siyaasadeed_video

July 18, 2018
Wasiirka arimaha dibada maamulka somaliland mudane sacad cali shire  ayaa shir jaraa'id oo uu magaalada hargaysa ku qabtay  ...

DAAWO VIDEO: Ururka ONLF oo midnimo iyo wada tashi ku baaqday

July 17, 2018
Jabhada onlf oo dhawaan ugu soodhamaaday shir magaalada asmara ee dalka Eritrea ayaa waxay ku baaqday midnimo iyo ...