Tuesday, March 19th, 2019
.

Kulamada Farmaajo, Abiy Iyo Afawerki Oo Meesha Ka Saaray Doorkii Madaxweyne Geelaha Jabuuti Ee Gobalka Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karaan Somaliland

Published on November 10, 2018 by   ·   No Comments

Waa shirkii labaad ee saddex bilood gudahood dhex mara Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Ereteriya Issias Afawerki iyo Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaanay shalay shirkoodii labaad ku yeesheen magaalada Gondar ee gobalka Amxaarada ee Itoobiya.

Bishii September horaanteedii ayay saddexdan hoggaamiye ku kulmeen magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waana kulankii labaad ee ay kaga tashanayaan xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye ayaa yeeshay shir ay ku sheegeen mid muhiim u ah gobalka Geeska Afrika. Isbeddelada cusub ee degdegga ku socda ee ka dhacaya Geeska Afrika waxay abuureen xariiq siyaasadeed oo cusub. Waxaa soo baxay isku dhawaansho siyaasadeed iyo saaxiibtinimo u dhaxaysa Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Markii labaad, waxa shirarkan ka maqan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo isagu wixii ka horeeyay doorashadii Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ahaa jilaaga siyaasadda ee ugu magaca weyn gobalka Geeska Afrika. Booskii Madaxweyne Geele waxa bedelay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay ka dhaxayso colaad gaamurtay oo inkastoo la sheegay in la xaliyay haddana weli taagan.

In Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele shirarkan ka maqnaadaa maaha mid ku timid hawlyaraan laakiin waxay muujinaysaa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ay farrihiisa ka baxday taladii iyo saamayntii uu ku lahaa gobalka Geeska Afrika. Laakiin Madaxweyne Geele iyo Djibouti waxay ku jiraan diyaarinta qorsheyaal kala duwan oo ay doonayaan inaga kaga gaashaantaan in dhaawac siyaasadeed iyo dhaqaale ka soo gaadho isbedelka cusub ee gobalka ka taagan.

Geesta kale, kulamadan madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya waxay saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku yeelanayaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirarkan waxa qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay Somaliland wakhtigan kala dhaxayso xiisad siyaasadeed. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991, laakiin dalka Soomaaliya ayaa ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay weli Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dagaal ku bilowday Somaliland tan iyo intii uu sannadkii hore Maxamed Farmaajo qabtay talada Soomaaliya.

Waxa kale oo iyana la ogyahay in Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki uu caan ku yahay sida uu uga soo horjeedo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu si xoog leh u taageersanyahay aragtiada midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Afawerki oo ah 72 jir jabhad iyo siyaasi ah, wuxuu u muuqdaa inuu yahay hoggaamiyaha hagaya siyaasadan cusub ee Geeska Afrika, maadaama oo uu ka waayo aragsanyahay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadka falanqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan inaanay Somaliland weli ka muuqan awoodii diblomaasiyadeed ee ay kaga hortagi lahayd khataraha kaga iman kara isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika ee ay hormuudka u yihiin Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

Daawo: Madaxwayne Mustaf oo ka hadlay shirka addisababa ku qabteen koox sheegatay in ay beesha dir matalaan.

March 3, 2019
Madaxwaynaha maamulka somali state mudane Mustaf muxumed cumar ayaa ka hadlay icawaaqib xumada kadhalan karta ...

Khabiir Amni oo qiray in Alshabaabkii ugu badnaa ay gudaha ugaleen Muqdisho + Cabsi daran oo soo wajahan.

March 3, 2019
Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo kamid ah Baarlamaanka somalia isla markaana mar soo noqday wasiirka Amniga somalia ayaa ...

Daawo: Xasan Sheikh oo markale weerar culus ku qaaday Farmaajo “Hanaanka Dowladnimo barasho ayay ubaahan tahay”.

March 3, 2019
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UPD ahaana madaxwaynihii hore ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markale si addag uweeraray ...

Madaxweyne Trump oo mar kale weerar afka ku qaaday Ilhaan Cumar

March 3, 2019
Madaxweynha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ...

XOG: Fur-Furitaanka TPLF iyo Ka Fal-Celinta TPLF.

March 3, 2019
Xisbiga TPLF oo ahaa kii mudada 27ka sano ah soo xukumayay dalka itoobiya ayaa sadex dii sano ee ...

DEG_DEG: Ra’isulwasraha dalka ethiopia dr abiy oo safar Deg deg ah ku gaadhay dalka……..

March 3, 2019
Raisul wasaaraha Dalka itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa hada safar ugu baxay caasimada dalka Eritrea ...

Daawo: Qaabkii Loo Xukumay Raggii Kufsi WadareedKa Caaisha Ilyaas Ugu Geestay Gaalkacyo

March 2, 2019
Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ...

Faahfaahin: madaafiic ku dhacday xafiiska farmaajo iyo xafiisyo kale

March 2, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada somaliya ...

DEG-DEG: Madaxtooyada somaaliya oo weerar hoobiyayaal ah lagu weeraray+ duqaymo culus oo dhacay

March 2, 2019
War hada kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Hoobiyeyaal lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Madaafiicda ayaa la ...

DEG DEG AKHRI: Puntland oo Xukun Adag ku riday Dhalinyaradii Kufsaday Caaisho Ilyaas

March 2, 2019
Maxkamadda Sare ee Maamulka Puntland ayaa dil toogasha ah ku xukuntay 5 eedaysane oo loo haystay iney ...

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta oo Kulmaya Xilli Khilaafkii Labada Dal wali Taagan Yahay.

March 2, 2019
Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada Waddan ee somaliya iyo kenya, ayaa ...

DEG_DEG: Dagaal faraha looga gubto oo laga cabsi qabo in uu ka dhax qarxo maamulka Tigreega iyo xabashida+ ciidamo xadka la…….

March 2, 2019
Tobanaan Kun oo shacaba ayaa lagu soo waramayaa inay isaga barakaceen deegaamada dhaca xadka Gobolada Wollo iyo Gonder ...

Cabsi Laga Qabo In Lasumeeyay qaar kamid ah Ciidanka Cirka Dalka Itoobiya+ Dhaawac gaadhaya 200 oo……

March 2, 2019
Wararka naga soo gaadhaya Dalka Ethiopia gaar ahaan Xarunta tababarka ciidamada cirka itoobiya ee Debrezet ayaa sheegaya in ...

XOG: Halkay Kudanbaysay 15kii Million Ee PCDP Laga Dhacay?

March 2, 2019
5tii bishii January 2019 ayay ahayd markay soo ifbaxday in xisaabta Bangiga ee Mashruuca horumarinta reer guuraaga (PCDP) ...

XOG: Shidaalka DDS oo 3 Sano Gudohood Lagu Iib Gaynayo

March 2, 2019
War kasoobaxay xafiiska macdanta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee dalka itoobiya ayaa lagu sheegay in mudo 3 sano ...

Daawo: Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku wajahan Somaliland & Abiy Ahmed oo markale Bahdilay Muuse Biixi.

February 26, 2019
Madaxwaynaha Dowlad Deeggaanka Somalida Mustafe Muxud Cumar (Cagjar) ayaa dhawaan lagu wadaa inuu socdaal rasmi ah kusoo ...

Deg-Deg: Dhamaan Goobohii GPS ka Aan lagu Buuxinin DDS oo Sigaara Loo Tirakoobayo!

February 26, 2019
War kasoobaxay wakaalada tirakoobka qaranka ayaa lagu sheegay in sigaara loo tirakoobayo dhamaan goobaha aan lagu buuxinin ama ...

Xog: Xaalada Abaareed Ee DDS.

February 26, 2019
Intabadan degmooyinka iyo gobolada dawlada deegaanka soomaalida waxaa lagasoo sheegayaa xaalad jiilaal oo aad uadag. Inta badan DDS waxaa ...

War Deg Deg Ah: Qarax Caawa Maqribnimadii Ka Dhacay Muqdisho & Wararkii U Dambeeyey

February 26, 2019
Qarax Bambaano ayaa waxa uu caawa Maqribkii ka dhacay Meel udhaw Isgosyka Maana Booliyo Ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Xaalado ...

Maxuu ku sugnaa degaanka somalida markii uu yimid mudane mustafe warbixintan akhri by adan basey

February 20, 2019
Ha noqonin habar fadhida lagdin la fudud. Anigoon marnaba diidaynin in madaxwayne Mustafa Omer iyo maamulkiisaba la dhaliilo hadana ...

Daawo: Muuse Biixi oo soo dhaweyntii u filayay ka waayay Itoobiya & hordhaca kulan adag

February 20, 2019
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ...

Daawo sawirada: Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Dhigiisa Soomaaliya Farmaajo

February 20, 2019
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula ...

Qaraxyo Saaka ruxay Magaalada Baardheere iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku Faafay Xaafadaha

February 20, 2019
Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka ay qaraxyo ka dhaceen magaaladaasi. Qaraxyada ayaa ...

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya Addis Ababa & Warar Sheegaya in…

February 20, 2019
Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay ...

Maxaa Horyaala oo ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

February 20, 2019
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti waxa ...

Axmed Madoobe Oo Dad Caan Ka Ah Deegaanada Jubbaland Xilal Umagacaabay [Akhri Digreeto]

February 18, 2019
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka jubbland Mudane Axmed Islam Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu ...

Madaxweyne Farmaajo oo Safar Deg deg ah uga Ambabaxay Muqdisho, Halkuu kusii jeedaa?

February 18, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib ...

XOG: Goormee ayuu soo Bilowday dagaalka Farmaajo iyo Uhuru Kenyaata, Maxaase Sababay?

February 18, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada wararka ee jigjiga.net ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ...

Hogaanka Arimaha Dibada Onlf oo Si Adag Uga Hadlay Shidaalka ogaadeeniya

February 16, 2019
Shidaalka Ogaadeenya waa hanti qaran oo shacabka Soomaaliyeed leeyahay, lamana aqbali karo in sidii la doono laga yeelo ...

Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska dhoofinta Gaaska

February 16, 2019
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ...