Thursday, October 24th, 2019
.

WARBIXIN:-RW Khayre oo soo gabagabeeyey safarkii Washington

Published on April 15, 2019 by   ·   No Comments

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa soo gebagabeeyey safar shaqo oo uu maalmahan ay ku joogeen magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gelay shirka sanadkiiba ay mar iskugu yimaadaan hay’adaha Maaliyadda dunida, iyadoo sanadkaan uu jiray qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeeyey dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa intii uu joogay magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Sidoo  kale, Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde oo ay isla soo qaadeen horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay sida dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan oo ka mid ah wafdiga Raisul wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna ka mid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Bayle

Waxaa uu intaas ku daray in dowlada Somalia ay gaartay heerkii ugu sareeyay ee kalsoonida Beesha Caalamka.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Washigton ayaa Raisul Wasaare Khayre waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalalka caalamka iyo heyadaha taageera dalalka soo koraya, kuwaasoo ay isla soo qaadeen qodobo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa horumarka ka socda Somalia.

Madaxda uu Ra’iisul Wasaaraha la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaasoo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta Maamulka Maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Khayre ayaa sidoo kale kulan aad muhiim u ah la qaatay maamulaha heyadda kaalmada dibeda u qaabilsan Maraykanka ee (USAID) Mark Green, iyagoo isla soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaalada lagu horumarinayo Waxbarashada, Caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist ayaa ka mid ahaa madaxdii uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyagoo isla gorfeeyey qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada iyo xoojinta amniga dalka.

Safarka Khayre iyo wafdigiisu ku joogeen dalka Maraykanka oo guul ku soo dhamaaday ayaa madaxda kale ee ay halkaas kula kulmeen waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft, Wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, Ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale, iyo madax kale oo fara badan.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe oo Nairobi kulan kula qaatay shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda DDS

May 31, 2019
Madaxwaynaha Dowlad deegaanka somalida mudane mustafe muxumed cumar ayaa shir kula qaatay shacabka ka soo jeeda dowlad deegaanka ...

Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka sal-dhiga degmada Waaberi

April 17, 2019
qarax xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka magaalada muqdisho ayaa haatan ka dhacay maqaayad u ...

Imaaraadka oo lagu eedeeyey in ay Dhaqaale ku bixiyaan Banaan baxyo looga soo horjeedo Dowlada Somalia

April 17, 2019
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in magaalada ...

WARBIXIN:-Maxaa looga hadalyaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta

April 17, 2019
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan ...

Taliye lahaa garigii la qarxiyey {AKHRI]

April 17, 2019
Taliyaha nabadsugida maamulka Galmudug cabdi dhere ayaa lahaa qaariga qaraxa lala beegtay waxaana la sheegyaaa in taliyuhu uu ...

Madaxweyne Trump oo si qayaxan u diiday Go’aamo loo soo jeediyey

April 17, 2019
Madaxweyne mareykanka Donald Trump ayaa xdiidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Koongareeska Mareykanka ku diiday ku lug-lahaashaha Mareykanka ...

Ajax oo Ronaldo tustay awoodooda xili messi wili kooxdiisa ay socoto iyo ronaldo oo xaalad xun la soo daristay

April 17, 2019
Juventus iyo Ajax ayaaa xalay waxaa dhex-maray kulan xiisa badnaa oo la wada sugaayey balse kooxda AJAX ayaa ...

Ai-Shabaab oo isbaaro dhigtay waddo muhiim ah

April 17, 2019
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Bar-Kontarool oo lacag lagu qaado soo dhigtay laba degaan oo ku yaala duleedka degmada Balcad ...

Eng Yariisow oo ka hadlay hawlgal lagu soo qabtay nin Shabaab ah oo bambo tuuray

April 17, 2019
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ...

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegtay in ay soo qabteen Miinooyin

April 16, 2019
taliye ku xigeenka ciidammada Booliiska Soomaaliya Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed taliye ayaa shir jaraa’id oo ay ku ...

qarax culus oo lagu eegtay Muqdisho ciidmaada Amisom iyo rasaas xooggan oo ay ku fureen shacab

April 16, 2019
War aan hadda heleeyno ayaa sheegay in qarax xooggan ciidamada Amisom lagula eegtay isgoyska Ex-Control Baclad ee ...

Hirshabeelle oo ku hanjabtay in ay furayaan dekedda Ceel Macaan

April 16, 2019
Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan keenay habka loo qayb-saday Dhaqaalaha loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle ...

Midowga Afrika oo 15 maalmood u qabtay Milatariga Suudan inay xukunka ku wareejiyaan

April 16, 2019
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa muddo kooban u qabtay u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan ...

Khilaaf ka dhex-dhashay Farmaajo iyo Kheeyre iyo shirar ka socda muqdisho

April 16, 2019
Magaalda muqdisho waxaa mudooyinkii danbe ka taagnaa xaalad siyaasadeed oo kacsan aydoo shacabkii bilowgii asbuucaan ay sameeyeeyn banaanbax aad u ...

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir Maanta ka furmaya dalka Ruushka

April 16, 2019
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb gasho shirka 5-aad ee Dowladaha Carbeed iyo Ruushka kaas ...

Askari muqdisho Ku Dilay qof shacab ah iyo xaalada oo xun

April 16, 2019
Sida wararka aan ku heleeyon ay sheegayaan Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Isgoyska Sanka ee Magaalada ...

Nin Soomaaliya oo dilay gabar uu saaxib la ahaa

April 16, 2019
Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo ...

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ay ku dileen hoggaamiye Ku xigeenka ururrka Daacish ee Somaliya

April 16, 2019
Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah ...

Farmaajo oo xalay la kulmay saraakiisha Booliiska

April 16, 2019
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo xalay booqday xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ...

DEG DEG:-Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

April 15, 2019
Wararka aan ka heleeyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha degmadaas Goordhow lagu ...

DEG DEG:- Qaar Ka Mid Ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo Isbedel Lagu Sameeyay

April 15, 2019
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa waxaa isbedel loogu ...

Shirkadd weyn Oo Balan Qaad U Sameeysay Maamulka Puntland {AKHRI}

April 15, 2019
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada ...

Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Gaadiidleyda BL-Ka Oo Kulan Yeeshay iyo waxyaabihii ka soo baxay

April 15, 2019
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga gaadiidka BL-ka ee ka ...

Shirwaynihii 2aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Qabri-Dahar

April 15, 2019
Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Qabridahare Shiwaynihii 2aad ee Golaha dhexe ee Ururka ONLF. Shir-waynahan ...

Maxay tahay Sababta muddo 7 bilood Taliye u laheyn Hay’adda Nabad sugida Somalia?

April 15, 2019
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono Taliyaha Hey’adda ...

Dekadda Muqdisho oo u xiran amar kasoo baxay Al-Shabaab

April 15, 2019
Dekadda Muqdisho oo ah Isha ay Daqaalo badan ka soo gasho Dowladda Soomaaliya ayaa shaqadeedu xayirneyd ...

Somaliland oo ogolaatay Warqada Go-Home oo ay horay u joojisay

April 15, 2019
wararka aan heleeyno ayaa sheegaya in Somaliland ay dib u aqbashay Warqada Go-home oo ay hore u joojisey, ...

Guddiga amnga oo digniin ka soo saaray Banaanbaxyo kale oo Muqdisho ka dhaca

April 15, 2019
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xalay guddoomiyay shirka amiga ...

WARBIXIN:-RW Khayre oo soo gabagabeeyey safarkii Washington

April 15, 2019
Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa soo gebagabeeyey safar shaqo oo ...

Dad lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

April 15, 2019
Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho saddex ruux la ...